Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dad Loo Qabqabtay Qaraxyadii Nairobi


Xaalada Amaanka ee faras magaalaha Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa la adkeeyay, maalin ka dib markii halkaasi ay ka dhaceen qaraxyo lagu weeraray goobo basaska laga raaco, oo ay ku dhinteen ugu yaraan 4 qof, ku dhawaad 40 kalena ay ku dhaawacmeen.

Saakay bartamaha magaalada Nairobi waxaa lagu arkayay ciidamo boolis ah oo saaran gaadiid oo meelaha qaar gaaf wareegaya. Ciimadama booliska ayaa ilaa iyo hadda u soo qabqabtay 4 qof , qaraxyadii dhacay sabtidii.

Warbaahinta gudaha ayaa tirada dadkii ku dhintay qaraxyadaasi gaarsiineysa ilaa iyo lix qof, wargeyska the Daily Nation ee ka soo baxa Nairobi ayaa isna saakay qoray in qofkii todobaad uu u geeriyooday dhaawacii ka soo gaaray qaraxyada.

Wasiirka Amniga Gudaha ee Kenya George Saitoti, ayaa sheegay in baaritaan booliska ay ka sameeyen qaraxyadii dhacay sabtidii ay ku ogaadeen inay ka dhasheen ilaa iyo afar bam gacmeed oo lagu tuuray goob ay dad ku xoonsanayeen oo basaska laga raaco, bartamaha magaalada Nairobi.

Ku xigeenka Afhayeenka Booliska Kenya oo soo xiganaya goob joogayaal ayaa sheegay in bambooyinka laga soo tuuray gaari goobta xoog ku maray.

Saraakiisha kenya waxey sheegeen in kooxda Alshabab ee somaliya ay ka dambeeysay weerarkaasi.

Weerarkii sabtida dhacay ayaa waxa uu ugu dambeeyay, weeraro isxig-xigay oo ay ku dhinteen tobaneeyo qof, tan iyo markii kenya ay ciidamadeeda u diray Somaliya bishii October ee sanadkii tagay, si ey ula dagaalamaan kooxda Al-shabab.

Saraakiisha Kenya ayaa sheegay in qaar ka mid ah taageerayaasha Al-shabab loo soo qabqabtay, laguna helay dambiyo, qaar ka mid ah weeraradii horey u dhacay, laakiin aaney weli cidinasheegan masuuliyadda qaraxii sabtidii.

Weeraradi ugu dambeeyay ee Al-shabab lagu tuhmay ee ka dhacay kenya, iyo jawaabihii ay ciidamada kenya ka bixiyeen hadaan dib u eegno.

16 bishii October, sanadkii 2011: Ciidamada Kenya waxey galeen Somaliya, ka dib markii dalkaasi ay ka dhaceen afduubyo. Kenya waxey ku eedeysay Al-shabab inay qalqal ku hayeen amaanka Kenya, isla markaana ciidamada kenya loogu diray Somaliya si ey kenya isu difaacdo.

October 24, 2011kii: Al-Shabab ayaa laba weerar , bambooyinka gacanta loo adeegsaday ka fulisay baar lagu caweeyo oo ku yaala magaalada Nairobi, 14 qof ayaan ku dhaawacantay

Sidoo kale hal qof ayaa ku dhintay tobaneeyo kalena wey ku dhaawacmeen weerar isna lagu qaaday goob basaska laga raaco.

November 5teedii, 2011: Al-Shabab ayaa looga shakiyay inay ka dambeysay bam gacmeed lagu weeraray meel kaniisad ah oo ku taala magaalada Gaarisa ee xarunta Gobolka Waqooyi bari kenya, 2 qof oo rayid ah ayaa ku dhintay shan kalena wey ku dhaawacmeen

November 5, 2011: ciidamada amaanka ee kenya ayaa soo xir xiray ilaa iyo 50 qof oo looga shakiyay inay Alshabab ka tirsanayeen, magaalooyinka Mandhera, Wajeer iyo Garisa.

November 24keedii, 2011: Al-Shabab ayaa la aaminsanyahay inay ka dambeeysay weeraro bambaano, oo lagu qaaday maqaayad iyo meel laga dukaameysto oo ku taala Magaalada Gaarisa, lix qof ayaa ku dhimatay labaatameeyo kalena wey ku dhaawacmeen.

November 28dii, 2011: Booliska Kenya ayaa ku dhawaaqay bandow 110 maalmood socon doona oo lagu soo rogay magaalada Mandheera, ka dib markii dambiyada ay ku bateen, oo afduubyo iyo qaraxyana ay ka dhaceen.

December 11keedii 2011: Qof lagu tuhmay inuu alshabab ka tirsanaa ayaa bam gacmeed ku tuuray goob lagu caweeyo oo ku taala magaalada Wajeer, 25 qof ayaana weerarkaasi ku dhaawacantay.

January 11keedii, sanadkan 2012: booliska kenya ayaa xarig iyo caga jugleyn kula dhaqaaqay Qaxooti Somalida, iyo Qaar ka mid ah Somalida kenya, ka dib markii qof lagu tuhmay inuu alshabab ka tirsanyahay uu weeraray, saldhigyo ay booliska , milatariga ku leeyihiin waqooyi bari iyo goobo rayid ah.

XS
SM
MD
LG