Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay duufaanno ku dhuftay Caasimadda Maraykanka ee Washington DC iyo gobollada ku dhow ee Virginia iyo Maryland habeennimadii Jimcihii. 3 milyan oo qof ayaa korantadu ka go’an tahay. Xalay oo Sabti ahaydna weli cabsi ayaa laga qabay inay dufaanno hor leh dhacaan.