Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dad ka badan 50 qof oo lagu xirxiray xeryaha dhadaab


Dad ka badan 50 qof oo lagu xirxiray xeryaha dhadaab
Dad ka badan 50 qof oo lagu xirxiray xeryaha dhadaab

Booliska wadanka Kenya ayaa tuhun la xirxiray qarax talaadadii ka dhacay xarun ay ku Sugnaayeen oo u dhaweeyd xerada Qaxootiga IFO 3 u soo qabqabtay ugu yaraan dad lagu qiyaasay 100.

Maxamed Yusus Xassan oo ka mid ah Qaxootiga ayaa u sheegay VOAda Qaar ka mid ah Qaxootiga ay tacadiyo u geeysteen ciidmada amaanka xilliga ay wadeen qabqabashda.

Waxa uu sheegay in qaar ka mid ah booliska ay u dhaceen goobaha ay ku noolyihiin Qaxootiga gacma gacmeeyna ay u geeysteen hanta gaar ah.

Horjoogayaasha xaqootiga iyo odayaasha dhaqanka ayaa sheegay ineey la yaab ku noqotay in Ciidamada booliska oo loo geeyay xeryahaasi ineey amaanka sugaan ay qab qabtaan dad qaxooti ah oo aan waxba galabsan. Dowladda Kenya ayaan weli ka hadlin qabqabashada dadkan.

Waa markii ugu horeeysay oo qaar ka mid ah dadka qaxootiga ah ee ka barakacay dhibaatooyinka iyo abaaraha Somaliya ee ku sugan xeryaha qaxootiga ee dhadhaab loo geeysto xarig.

XS
SM
MD
LG