Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Colaad ka jirta inta u dhaxeysa Buhoodle iyo Burco


Colaad ka jirta inta u dhaxeysa Buhoodle iyo Burco
Colaad ka jirta inta u dhaxeysa Buhoodle iyo Burco

Dagaal shalay ka dhacay deegaanada u dhaxeeya Qori Lugud iyo Buhoodle waxaa ku dhintay ugu yaraan 8 ruux oo dhinacyadii dagaallamay.

Xiisaddo Colaadeed ayaa weli laga dareemayaa deegaanada u dhaxeeya Qori Lugud iyo Buhoodle halkaasoo saakay la sheegay in iska horimaadyo ay ku dhexmareen beelo halkaasi wada dega.

Maamulka Soomaaliland ayaa halkaasi u diray ciidamo kuwaasoo kala dhexgalay dhinacyadii dagaalammayay.

Maamulka ayaa isku dayaya inuu soo afjaro colaadda halkaasi ka aloosan ay ku dhinteen ugu yaraan 8 ruux oo labada dhinac ah.

Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa ku baaqay in colaadda si nabad ah loo soo afjaro.

XS
SM
MD
LG