Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Cisbataalka Guud ee Boosaaso oo Gubtay


Cisbataalka Guud ee Boosaaso oo Gubtay
Cisbataalka Guud ee Boosaaso oo Gubtay

Maanta saacaddu markay ahayd 1:30 duhurnimo ayaa waxa dab qabsaday qeybta daawadda ee cisbitaalka gaarka loo leeyahay ee Boosaaso.

Maanta saacaddu markay ahayd 1:30 duhurnimo ayaa waxa dab qabsaday Cisbitaalka Guud ee Boosaaso, dabkan oo ahaa mid xooggan ayaa ka bilowday qeybta daawadda, iyadoo dabkana lagu soo waramay inuu xarig koronto ka bilowday.

Dr. Cabdiraxman Ileeye, Madaxa Cisbitaalka ayaa sheegay in gurmad lala soo gaaray oo dab-demiska Dawladda Hoose iyo booyaddo si gaar ah loo leeyahay ay ka qeyb qaateen bakhtiinka dabkii kacay, iyadoo booliiskuna uu nabadda sugayey.

Bukaankii cisbitaalka jiifay ayaa loola cararay cisbataalka weyn ee Boosaaso, cisbitaalo kale, iyo waliba guryo caadi ah.

Cisbitaalkan oo ah mid gaar loo leeyahay ayaa waxa ka shaqeeya dhakhaatiir ajnabi ah, lamana soo warinin wax dhibaato oo soo gaaray shaqaalihii ama bukaankii cisbitaalka jiifay. Sidoo kale qeybaha cisbitaalka ayaa ka badbaaday dabkii kacay, marka laga reebo qeybta daawada. Ugu dambeyntii waxa bakhtiinta dabka lagu guuleystay markii ay saacaddu ahay 3:30 galabnimo.

XS
SM
MD
LG