Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidanka DKMG oo isku Rasaaseeyay Xerada Bad-baado


Ciidanka DKMG oo isku Rasaaseeyay Xerada Bad-baado
Ciidanka DKMG oo isku Rasaaseeyay Xerada Bad-baado

Ciidamo ka wada tirsan dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa maanta is-rasaaseyn ku dhexmartay xerada barakacyaasha Bad-baado ee magaallada Muqdisho.

Ugu yaraan hal qof oo ka mid ah dadka barakacayaasha ayaa ku dhintay israsaaseyntaasi, iyadoo ilaa 8 qof oo kale oo qaarkood yihiin ciidanka iyo barakacayaasha ay ku dhaawacmeen shilkaasi.

Shilkan ayaa dhacay kaddib markii ciidamo ku labisan dharka militariga ay isku dayeen inay qataan gar-gaar la doonayay in loo qeybiyo barakacaaasha, balse waxaa arrintaasi ka horyimid ciidamada Boliiska ee dowladda ee xerada Bad-baado ku jira.

XS
SM
MD
LG