Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamo ka tirsan DKMG oo ku biiray mucaaradka


Ciidamo ka tirsan DKMG oo ku biiray mucaaradka
Ciidamo ka tirsan DKMG oo ku biiray mucaaradka

Ciidamo ka tirsan dowladda KMG oo lagu soo tababaray Djibouti ayaa la sheegay inay ku biireen kooxaha mucaaradka.

Wakaalada wararka ee AP ayaa war ay qortay ku sheegtay in boqolaal askar Soomaaliyeed oo tababarkooda lagu bixiyay malaayiin dollar oo ay bixiyeen dalalka Reer Galbeedka, inay ka baxsadeen ciidanka taasoo sabab looga dhigay ka dib markii ay waayeen mushaharka bishii la siiyo oo gaaraya $100 bishiiba.

Qaar ka tirsan askartaasi waxaa la sheegay inayba ku biireen kooxaha lala xiriirinayo al-Qaacida ee dagaalka kula jira dowladda Soomaaliya.

Dowladda Maraykank ayaa bixisay kharash garaya $6.8 Milyan oo dollar oo lagu bixinayo barnaamijyo lagu tababarayo ilaa 1000 askari oo sanadkii la soo dhaafay lagu tababaray dalka Djibouti iyo 1,100 askari oo iyaguna sanadkii la soo dhaafay lagu tababaray dalka Uganda.

Horraantii sanadkan waaxda arrimaha dibadda ee dalkan Maraykanka iyo diblomaasiyiin reer Galbeed ahi waxay sheegeen in qorshuhu uu ahaa in askarigiiba la siiyo $100 bishiiba. Laakiin Korneyl ka tirsan ciidamada miligariga oo lagu magacaabo Axmed Aaden Dhayow ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay in kalabar ciidamadaasi ay mushahar la’aan darteed askarnimada uga baxsadeen, iyagoo u kala qeybsamay kuwo ku biiray al-Shabaab iyo kuwa isaga fariistay askarinimada.

Balse saraakiisha ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa been iyo brobogaando ku tilmaamay inay ka baxseen ciidamo ka tirsan ciidankii dhawaan lagu soo tababaray Djibouti.

Ciidankan dibadda lagu soo tababaray ee la sheegay inay ka baxsadeen xeryaha dowladda waxaa lagu qiyaasay kala bar, tiradaasoo ah tiro aad u ballaaran.


Inkastoo taliyaha ciidamada dhulka ee dowladda KMG ah uu beeniyay warkan baxsashada ciidanka, haddana wasiiru dowlaha amniga ee dowlada Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacadde ayaa qiray in ay jiraan ciidamo ku biiray mucaaradka dowladda, balse wuxuu ka gaabsaday inuu sheego tiro ahaan inta ay la eg yihiin, sida ay qortay wakaaladda wararka ee AP.

Beesha caalamka ayaad mooddaa inay dhankeedana ku fashilantay inay hubiso in mushaar joogto ah loo helo ciidanka DKMG ah, si looga waabto inay baxsadaan ama ku biiraan kooxaha dowladda kasoo horjeeda.

XS
SM
MD
LG