Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada Danab oo Qabtay Shan Shabaab Ah


Ciidamada
Ciidamada

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in ciidamada Kumandosta ee dowladda Somalia ay soo qabteen shan ka tirsan maleeshiyada ururka Al-Shabab oo uu ku jiro nin ajnabi ah.

Warkan ayaa wakaaladda wararka Somalia ee SONNA ay ka soo xigatay Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Somalia, Cali Baashi Maxamed Cumar.

Ninka ajnabiga ah ee lagu soo qabtay howlgalkan ayaa lagu magacaabaa Sa’id Abdullahi Abubakar (Al-Sudani), oo u dhashay dalka Sudan, Al-Shababna u ahaa hogaamiyaha kooxda Qaraxyada.

Cutubyo ka tirsan ciidanka Danab ee xoogga dalka Somalia ayaa maalmihii u dambeeyay howlgallo ka fulinayay magaalada gaalkacyo iyo deegaanada ku dhow dhow.

Wariyeheenna Cabdiwaaxid Macallin Isaaq ayaa warbixintan goor dhow Gaalkacyo nooga soo diray.

Shabaab lagu qabtay Gaalkacyo
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:22 0:00

XS
SM
MD
LG