Qodobada barnaamijka Caweyska aad ku maqli doontaan waxaa ka mid ah; Haddii aad maqli jirteen Sicir Barar, horey ma u maqasheen Duni wada barartay, Sheeko ku saabsan nin u dhashay dalka India oo qaba 39 xaas oo ay u dhaleen 94 caruur ah, qeyb labaad oo ku saabsan wareysi ay VOA-du la yeelatay fanaanadda Deeqa Axmed Geyt iyo qodobo kale.
Barnaamijka waxaa soo diyaariyay, soona jeedinaya Cabdisalam Ibraahim Hareri oo London jooga.
Sheekada ku saabsan ninka qaba 39-ka xaas waxay u dhaleen 94 caruur ah, Haddaba imisa ayuu Awoow u yahay?