Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Caruur Badan oo u Tahriibtay Yemen


Caruur Badan oo u Tahriibtay Yemen
Caruur Badan oo u Tahriibtay Yemen

UNHCR waxay sheegtay in bishii April oo keliya ay dalka Yemen tahriib ku galeen ilaa 80 caruur ah, kuwaasoo waalidkood iyo dalkood uga soo cararay cabsi darteed.

Warbixin ay soo saartay hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa lagu sheegay in tirada caruurta Soomaalida ah ee u tahriibeysa dalka Yemen ay aad u korortay, labadii bilood ee la soo dhaafay.

Hay’adu waxay si gaar ah u xustay caruurta da’doodu ka hooseyso 18, ay badda isku soo biimeeyeen si ay uga baxsadaan in ay askar ka dhigtaan kooxaha mucaaradka ah ee dowladda Soomaaliya la dagaalamaya.

UNHCR waxay sheegtay in bishii April oo keliya ay dalka Yemen tahriib ku galeen ilaa 80 caruur ah, kuwaasoo waalidkood iyo dalkood uga soo cararay cabsi darteed.

UNHCR waxay kaloo sheegtay in isla bishaas ay dalka Yemen gaareen ilaa 90 doonyood oo yaryar oo siday tahriibayaal tiradoodu ahayd 4,213 ruux oo 1,249 ka mid ihi ay ahaayeen Soomaali, halka inta kalena ay ka soo kala jeedeen dalal kale oo Afrikaan ah.

UNHCR waxay sheegtay in tirada raggu ay ka badneyd tan haweenka, waxaana ay tilmaamtay in ay hoos u dhacday tirada haweenka u tahriiba dalka Yemen.

Tiro koobkan cusub ee ay UNHCR soo saartay ayaa ah mid aad u badan, marka loo eego tirada tahriibayaasha iyo wakhtiga yar ee ay tahriibka ku galeen dalka Yemen.

Kor u kacan ayaa ku soo beegmay xilli ay afartii bilood ee ugu horreysay ee sanadkan hoos u dhac weyn laga dareemay qulqulka tahriibayaasha gaaraya dalka Yemen.

XS
SM
MD
LG