Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Canada: Iskaashi u dhexeeya Yuhuudda iyo Soomaalida


Bidix:Guddoomiyaha CSC Axmed Xuseen, iyo Guddoomiyaha Jaaliyadda Yuhuudda Prof. Ed Morgan.
Bidix:Guddoomiyaha CSC Axmed Xuseen, iyo Guddoomiyaha Jaaliyadda Yuhuudda Prof. Ed Morgan.

Urur ay leeyihiin Somaalida Canada ayaa ku dhawaaqay qorshe Cusub oo ay isku kaashanayaan Jaaliyaddaha Soomaalida iyo Yuhuudda.

Guddoomiyaha ururka Canadian Somali Congress CSC, Axmed Xuseen ayaa VOAda u sheegay in qorshahan yahay mid lagu doonayo in fursado shaqo loogu Abuuro dhalinyarada Soomaalida ah ee Jaamacadaha ka qalin jabisay.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in markii ay badatay shaqo la’aantay la soo gudboonaatay dhalinyarta Soomaalida ah ee reer Canada ay baaq u direen jaaliyadaha kale ee dalka ku dhaqan, waxaana uu xusay in Jaaliyadda Yuhuuddu ay si deg deg ah uga soo jawaabeen baaqii.

Axmed Xuseen ayaa xusay in aanay ahayn wax cusub iskaashi dhex mara Soomaalida iyo Yuhuudda Canada isaga oo tilmaamay in soomaali badan oo dalka qaxootinimo ku tagay ay u dacwoodeen qareennu Yuhuud ah, waxa kale oo uu xusay ganacsiyo badan oo ay Yuhuuddu leeyihiin oo ay Soomaali ka shaqayso.

Waraysiga guddoomiyaha oo dhamaystiran ka dheagayso qaybta hoose ee boggan.

XS
SM
MD
LG