Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Caafimaad xumo ka jirta Gobolada Mudug iyo Galguduud


Xaalada nololeed iyo tan caafimaad ee degmooyinka Xarardheere, Galcad iyo Ceel-Dheer ayaa aad looga deyrinayaa.

Wararka ayaa sheegaya in halkaasi ay ka jirto dhibaatooyin dhanka caafimaadka ah.

Maamulaha Caafimaadka ee degmooyinkaasi Dr. C/nuur Sheekh Axmed oo u warramay VOA-da ayaa sheegay inuu kormeer ku maray degmooyinkaasi.

Wuxuuna sheegay inuu si gooni ah ugu kuur galay xaaladaha Caafimaadka iyo Nolosha, isagoo sheegay inay aad u qalafsan yihiin.

Dr. C/Nuur ayaa sidoo kale sheegay in goobaha caafimaadka ee ka dhisan degmooyinkaasi ay mid kastaa maalin walba soo booqdaan dad gaaraya 60 ruux oo u badan Caruur, Haween iyo Waayeel oo ka cabanaya xanuuno kala duwan oo ay u badan yihiin cudurada la xiriira Nafaqo darrida, cudurada ku dhaca Saableyda iyo cuduro kale.

Wuxuu sheegay in daawooyinku ay gabaabsi yihiin, hay’adihii goobahaasi caafimaad gacanta siin jireyna ay ammaan darri darteed halkaasi uga hawlgeli waayeen.

XS
SM
MD
LG