Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Burcad-badeedda oo sii daysay Markab


Burcad-badeedda oo sii daysay Markab
Burcad-badeedda oo sii daysay Markab

Burcad-badeedda Somalia ayaa siidaayay markab wata calanka Bermuda kadib markii ay ka qaateen lacag madaxfurasho ah.

Saraakiisha Howlaha maraakiibta ayaa sheegay in burcad-badeedda Somalia ay sii daayeen markab xamuul oo ay qabsadeen muddo bil haatan laga joogo.

Markabkan oo lagu magacaabo Talca ayaa la siidaayay goor sii horeysay saaka oo salaasa ah, waxaa saarnaa 23 shaqaale ah oo u dhashay Srilanka, mid Filipino ah iyo qof dhalashadiisu tahay Syria.

Saraakiishu waxay sheegeen in burcad-badeedda la siiyay lacag madax furasho ah, inkastoo aan la ogeyn inta ay dhan tahay lacagta la siiyay.

Saraakiishu waxay sheegeen in dhamaan shaqaalaha markabkaasi saarnaa ay badqabaan.

Markabkan ayaa xeebta dalka Cumaar laga afduubtay bishii March 23-keedii.

Dhinaca kalena, sarkaal sare oo ka tirsan wasaarada Difaaca ee Ruushka ayaa sheegay in 10 burcad-badeed ah oo ay ciidamadoodu qabteen mar danbena ay sii daayeen in laga yaabo inay badda ku dhinteen.

Sarkaalkaasi wuxuu weriyayaasha u sheegay maanta oo salaasa ah in burcad-badeeddaasi ay iska dulsabaynayeen badweynta iyagoon haysan qalabka jiheeyaha.

Ciidamada gaarka ah ee Ruushka ayaa qabtay burcad-badeedda kadib markii ay ka qabsadeen biyaha geeska Africa markab saliid sida oo Ruushku leeyahay oo lagu magacaabo Moscow University.

XS
SM
MD
LG