Markab u rarnaa ganacsato Soomaaliyeed oo muddo laba bilood ah ay koox burcad-badeed ah ku haysteen xeebta Garacad ee Puntland ayaa lagu guuleystay in la sii daayo.
Markabkan oo waday Bagaash iyo baabuur ayaa wakhtigii la afduubanay u socday dekedda magaalada Berbera.
Suldaan Cali yuusuf Cabdi (Badda Cas) oo ka mid ahaa odoyaal ka qeybgalay waan-waantii lagu sii daayay markabkaasi ayaa VOA u sheegay inaan wax madax furasho ah laga bixin siideynta markabkaasi.