Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Britain: Qoys Soomaaliyeed oo Dacwad ku Guulaystay


Maxkamadda Cadaaladda ee Yurub ayaa riday go'aan saamayn wayn ku yeelan doona Soomaalida Yurub.


Gabadh Soomaliyeed oo haysata Dhalasahada Denmark oo ay caruurteedu dugsi ka dhigtaan UK oo loo diiday lacagta lagu taageero qoysaska caruurta leh amaba “Caydha” loo yaqaano ayay Maxkamaddu u xukuntay inay xaq u leedahay in la siiyo lacagtaasi.

Dacwaddan ayaa bilaabantay markii gabadhan Soomaaliyeed iyo Caruurteedu sanadkii 2004tii ay u soo wareegeen dalka Britain oo uu seygeedu joogay iyada oo ay markii dambe kala tageen, taasi oo keentay in ay ku tiirsanaato lacagta ay dawladdu ku kabto caruurta waxbarashada ku jirta .

Hadaba kadib markii ay dawladdu ka jartay lacagtaasi , ayaa Maxkamaddu ay go’aamisay in ay caruurtaasi iyo hooyadood ay xaq u leeyihiin in ay ku noolaadaan Britain dawladduna ay dhaqaale ahaan u taageerto.

Sidoo kale waxaa dacawd tani oo kale ah ku guulaystay haweenay iyaduna u dhalatay dalka Portugal oo ku nool Britain oo iyadana lacagtii laga jaray kadib markii ay kala tageen saygeeda.

Go'aankan ay gaadhay maxkamada Yurub ayaa waxaa uu keeni karaa in ay dad kale oo aan u dhalanin dalkan Britain ay xaq u yeeshaan in ay soo degaan wadankan iyada oo aanu jirin xidhiidh kale oo ay la leeyahiin dalkan Britain oo aan ka ahayn in ay caruurtoodu ay waxbarasho kaga jiraan.

Wasaarada arimaha gudaha ee Britain ayaa sheegtay in aanay la dhacsanayn go'aankan ay maxkamada Yurub gaadhay.

Ka dhegayso midigta sare ee boggan waraysi ay VOAdu saamaynta arrintaasi ay ku yeelan karto soomaalida kala yeelatay Garyaqaan Cumar Calasow oo ah qareen ku xeel dheer xuquuqda aadamaha.

XS
SM
MD
LG