Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Britain oo masaafurinaysa Dublumaasi Isreali ah.


Dawladda Britain ayaa maanta ku dhawaaqday in ay wadankeedda ay ka musaafurinayso dublamaasi Isreali ah, arrintan oo la xidhiidha muranka ka dhashay dilkii sarkaal sare oo ka tirsanaa ururka Falastiiniyiinta ee Xamaas oo bishii January lagu dilay magaalada Dubai, iyada oo dilka sarkaalkaasi lagu xidhiidhinayo in ay ka dambeeyeen xubno ka tirsan ururka sir-doonka Isrealiyiinta ee Mossad oo isticmaalayay baasaabooro macmal ahaa oo u badnaa reer Yurub oo ay qaarkoodna British ahaayeen.

Xoghayaha arrimaha dibedda Britain David Milliband ayaa mudanayaasha baarlamaanka Britain uga warramay arintaasi, kadib markii ay dawlada Britain soo gabagabaysay baadhitaankeedii ku saabsanaa baasaaboorada UK ee macmalka ah ee ay isticmaalayeen Isrealiyiinta lagu tuhunsan yahay in ay ka dambeeyeen dilka sarkaalka ka tirsanaa ururka Xamaas ee Mohamoud Al Mahbouh ee bishii January 20-keedii.

Masuuliyiinta imaaradda Dubai ayaa waxaa ay ku eedeeyeen in ay dilkaasi ka dambeeyeen xubno ka tirsan laanta sir doonka ee Isreal ee Mossad,waxaana ay soo bandhigeen liis ay ku qoran yihiin lix iyo labaatan qof oo ka tirsan ururka Mossad oo lagu tuhunsan yahay in ay dilkaasi ka dambeeyeen, dadkaasi oo dhamaantood Dubai ku tagay baasaabooro la soo macmalay oo isugu jiray reer yurub iyo Australia.

Wasaarada arrimaha dibedda ee Isreal ayaa xaqiijisay in danjirahooda u jooga magaalada London shalay looga yeedhay wasaarada arrimahaa dibedda ee Britain ee magaalada London.
Bilayska caalamiga ah ee Interpol ayaa iyaguna soo saaray liis ka kooban 27 qof oo lala xiriirrinayo dilka sarkaalka Xamaas.

La Xiriira

XS
SM
MD
LG