Lacagtan oo lagu bixin doono cunto gargaar ah oo degdeg ah iyo biyo nadiif ah iyo dawooyin sidii ay u heli lahaayeen dad lagu qiyaasay in ay ka badan yihiin sadex million oo qof oo Somali ahi.
Gargaarkan oo qaybo kale oo ka mid ahna wax lagaga qaban doono dib u heshiisiinta dalka Somalia.
Xafiiska VOA-da ee London ayaa helay warbixinta ay soo saartay dawlada Britain , taasi oo ay ku xusantahay in deeqdan ay u kala qaybsami doonto laba qaybood.
Qaybta hore ayaa waxay ka koobantahay in kabadan 11 milyan oo Doolarka Maraykanka ah oo la sii marin doono hay’adaha gargaarka sida UNICEF Iyo Laanqayrta Cas, qaybta kale oo ka kooban in kabadan 8 milyan oo Doolar ayaa lagu bixin doona adkaynta nabadda iyo dib u heshiisiinta.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa gees kale la kulmay madax kala duwan oo ka tirsan xukuumadda Britain kuwaasi oo ay ka mid yihiin Xogahayaha arrimaha Africa iyo Qaramada Midoobey Glenys Kinnock , Xogahayaha u qaabilsan Britain arrimaha Jaaliyadaha Shahid Malik .
Madaxweyne Shariif ayaa sida wararku tilmaamayaan u bandhigay madaxda Britain baahida ay Somalia u qabto nabad waarta.
Xoghayaha horumarinta caalamiga ah ee Britain, Douglas Alexander ayaa maanta ku dhawaaqay in ay Britain lacag ka badan sagaal iyo toban million oo dollar ugu deeqday Somalia.