Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Britain iyo dadka xad-gudubyada geysta


Urur u doodda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in Britain ay noqotay meel ay ku badbaadaan dadka xad-gudubyada ba'an ka soo gaysta wadamadooda.

Ururkan oo lagu magacaabo Aegis Trust ayaa ah urur ka hortaga xasuuqyada, wuxuuna ururkani soo saaray warbixintan. Dalalka ay sheegeen in ay dadkaasi gaystay xadgudubyada ka yimaadeen waxaa ka mid ah Somalia.

Warbixintan oo maanta ku soo baxday bogga ugu horeeya ee wargeyska The Independent ayaa waxaa uu ururkaasi ku sheegay in Britain ay joogaan in ka badan konton qof oo xad gudubyo waaweyn oo dambiyo dagaal ah ay ka soo galeen wadamadoodii, waxaana ay sheegeen in dambiyada ay dadkaasi soo galeen ay ka mid yihiin dil iyo kufsi oo ay haatana dadkaasi dalkan Britain ay ugu nool yihiin six xor ah.

Warbixintan ayaa lagu sheegay in dadkaasi ay ka mid yihiin saraakiil sare oo ka tirsanaa xukuumadii Iraq ee Saddam Xuseen, qof xubin ka ahaa qaybta dambi baadhista ee dalka Zimbabawe intii uu xukunka hayay madaxwayne Robert Mugabi iyo taliyahii bilayska dalka Congo oo isaga ay hayadda Aegis Trust ay sheegtay inuu qirtayba inuu soo galay dambiyo mar uu saxaafadda u waramayay.

Liiskan waxaa kaloo ku jira dad badan oo ka soo jeedda dalka Rwanda oo lagu tuhunsan yahay in ay qaybo ku lahaayeen xasuuqii ka dhacay dalkaasi sanadkii 1994kii, iyo dad iyagana lagu tuhunsan yahay in ay ku lug lahaayeen xasuuqii gobolka Darfur ee dalka Sudan .

Nick Denovan oo hay’addan ka tirsan ayaa sheegay inay doonayaan in dawladda Britain ay talaabo ka qaado dadka noocaasi ah oo aanay ku nabad gelin dalkan Britain gudihiisa.

Nick Denovan, wuxuu sheegay inay doonayaan in toosh ay ku ifiyaan dadka dalalkooda danbiyo ka soo galay ee ku nool UK oo ka soo kala jeedda meelo badan oo kala duwan sida, Rwanda, Afghanistan iyo Somalia. Nick wuxuu sheegay in bileyska iyo waaxda danbiyaduba ay ka caawinayaan sidii ay u heli lahaayeen waxyaabaha ay uga baahan yihiin in dadkaasi danbiyo lagu soo oogay.

Nick Denovan, wuxuu xusay in liiska dadka danbiyadda dalalkooda ka soo gaystay ay ku jiraan dad Soomaali ah.

Warbixinta Weriyaheena London C/salaam Hereri qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso.

La Xiriira

XS
SM
MD
LG