Tartankii ciyaaraha kubadda cagta ee Soomaalida Maraykanka ayaa shalay lasoo gababeeyey. kooxda Boston ee gobolka Massachusetts ayaa 4-0 kaga adkaaday kooxdii Amarillo ee gobolka Texas.
Dadweyne aad u farabadan ayaa ciyaaraha kasoo qeyb galay, waxana tartanka oo sanad walba xiligan oo kale la qabtaa uu qeyb ka yahay dabbaaldegga maalmaha xornimada Soomaalida ee sanad walba ka dhaca gobolka Minnesota.
Warbixin arrintaas ku saabsan qeybta hoose ka dhageyso.