Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Bosaso: Soomaali ka soo Qaxday Yemen


Bosaso: Soomaali ka soo Qaxday Yemen
Bosaso: Soomaali ka soo Qaxday Yemen

Qaxootigan Soomaalida ee ka soo laabtay Yemen waxay horey dalkaasi ku galeen tahriib, iyagoo ka qaxaya colaadda Soomaaliya.

Ku dhowaad 200 oo qaxooti Soomaali ah oo ka soo laabtay dalka Yemen ayaa dib ugu laabtay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Dadkan qaxootiga ayaa ka soo degay dekedda magaalada Boosaaso, waxaanay u badan yihiin haween, caruur iyo dhalinyaro, kuwasoo horey tahriib ugu tegay dalka Yemen.

Qaar ka mid ah qaxootigaasi dib ugu soo laabtay Boosaaso waxay VOA u sheegeen inay kasoo qaxeen rabshadaha ka jira dalka Yemen.

Agaasimaha Guud ee xarunta gargaarka dadka socotada ee magaalada Boosaaso Maxamuud Jaamac Muuse, wuxuu sheegay in tan iyo intii ay rabshadaha ka bilowdeen dalka Yemen ay magaalada Boosaaso soo gaarayeen dad ka soo qaxayay rabshadaha dalka Yemen.

XS
SM
MD
LG