Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Bosaso: Maxaabiis La sii Daayay


Bosaso: Maxaabiis La sii Daayay
Bosaso: Maxaabiis La sii Daayay

Ilaa 5 maxbuus ayay maxkamadda dambiyada culus ee Puntland xabsiga ka sii deysay, ka dib markii ay bilaa maxkamad u xirnaayeen.

Maxkamadda dambiyada culus ee Puntland ayaa xabsiga Boosaaso ka sii deysay 5 maxbuus oo maxkamad la'aan muddo 9 bilood ah xirnaa.

Xabsiga Boosaaso ayaa haatan waxaa ku xiran inka badan 400 oo maxaabiis ah, kuwaasoo qaarkood la sheegay inaan maxkamad la soo taagin.

Guddoomiyaha Maxkamadda Dambiyada Culus ee Puntland Maxamed Xareed ayaa sheegay in sii deynta maxaabiistaasi ay timid ka dib markii dib loo eegay kiiska ragga xirnaa oo magacyadooda lagu sheegay Cabdi Yuusuf Maxamed, Maxamed Maxamuud Maxamed, Cali Ibraahim Xasan, Mustafa Colaad Cali iyo Maxamed Mukhtaar Cali.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in raggaasi la sii daayay xaq u leeyihiin inay dacwad ka keenaan meel ka dhac lagu sameeyay xorriyaddooda muddo sagaal bilood ah.

XS
SM
MD
LG