Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Boosaaso oo lagu Dilay Sheekh Caan ah


Boosaaso oo lagu Dilay Sheekh Caan ah
Boosaaso oo lagu Dilay Sheekh Caan ah

Dabley hubeysan ayaa saaka waabarigii Boosaaso ku dishay Sheekh Axmed Xaaji C/raxmaan oo ka mid ahaa cullumada caanka ah ee Puntland.

Sheekh Axmed oo sidoo kale ahaa mid ka mid ah aas-aasayaashii jaamacadda Bariga Afrika ayaa saaka waxaa toogtay dabley hubeysan xilli uu ka soo baxay salaaddii Subax.

Lama ujeeddada rasmiga ah ee ka danbeysa dilka Sheekh, sidoo kalena ilaa haatan ma jirto cid sheegatay mas'uulliyada dilka Sheekha.

C/raxmaan Faroole, madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland ayaa canbaareeyey dilka Sheekh Axmed Xaaji wuxuuna ku eedeeyay kooxo uu ku sheegay inay yihiin argagixiso.

XS
SM
MD
LG