Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Britain: Booqashada Madaxweyne Shariif


Members of the TUM CREATE group ride a prototype of their VOI scooter at the Nanyang Technological University (NTU) in Singapore. The electric-powered VOI multipurpose scooter was designed to provide the ease of mobility and affordability of a scooter while offering car-like comfort and protection to the passenger.
Members of the TUM CREATE group ride a prototype of their VOI scooter at the Nanyang Technological University (NTU) in Singapore. The electric-powered VOI multipurpose scooter was designed to provide the ease of mobility and affordability of a scooter while offering car-like comfort and protection to the passenger.

Madaxweynaha Somalia Sheekh Sharif Sh. Axmed ayaa wali ku guda jira booqasho uu maalintii labaad ku joogo dalka Britain

Madaxweyne Shariif iyo wafdigiisu, waxay shalay kulan la qaateen ra'iisul-wasaaraha Britain Gordon Brown iyo xoghayihiisa arrimaha Dibedda David Miliband.

Wasiirka arrimaha Dibeda ee Somalia, Cali Axmed Jaamac Jangali oo VOA-da u warramay, ayaa sheegay in kulankii ay la qaateen mas'uuliyiinta Britain ay ugu gudbiyeen istiraatiijada Somalia xal looga gaadhi karo iyo kaalinta ay Britain ka qaadan karto xasilinta Somalia. Jangali wuxuu sheegay in Gordon Brown uu madaxweyne Shariif ka codsaday sidii loo furdaamin lahaa siideynta lamaanaha Britain ee lagu haysto Somalia.

Sidoo kale, Madaxweyne Shariif, wuxuu khudbad dheer ka jeediyay Machadka daraasaadka caalamiga ah ee Chatham House. Khudbadaasi wuxuu Shariif uga xog-warramay xaalladaha kala duwan ee dalka Somalia, sida dagaallada, argagixisada, burcad-badeedda.

Shariif wuxuu sheegay in dadka Soomalida iyo beesha caalamku ay ka gaabiyeen waxkaqabashada dhibaatada Somalia, iyadoo dhamaan dadaalladii la doonayay in Somalia lagu caawiyo ay ahaayeen kuwo kala dhantaalnaa. Madaxweyne Shariif wuxuu sheegay in xal la'aanta Somalia ay keentay in fikradaha Al-Qaacida ay u soo gudbeen Somalia.

Madaxweyne Shariif, wuxuu khudbadaasi mar kale ku eedeeyeey Eritrea kaalinta ay ku leedahay dagaallada Somalia.

Warbixin dheer oo ka hadlaysa booqashada madaxweyne Shariif ee Britain ka dhagayso qeybta hoose ee qoraalkan.

XS
SM
MD
LG