Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Boliiska Kenya oo Dad ku Xiray Nairobi


Boliiska Kenya oo Dad ku Xiray Nairobi
Boliiska Kenya oo Dad ku Xiray Nairobi

Booliska Kenya ayaa xabsiga u taxaabay laba dhakhtar oo ku sugnaa Nairobi kuwaasi oo lagu tuhmay inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab.

Boliiska ayaa sidoo kale howgallo ay ka fuliyeen xaafadda Islii waxay ku soo qabteen wadaad Soomaali ah

Boliiska ayaa sheegay in labada dhakhtar oo ku jira xabsi ku yaalla Nairobi ay si deg-deg ah u soo taagi doonaan maxkamad qaabilsan arrimaha argagixisada.

Dhinaca kale, ciidamada Kenya ayaa siiw ada dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-shabaab ee gudaha Somalia, iyadoo diyaaradaha iyo ciidamadu ay bartilmaameedsadeen goobo ay Al-shabaab kaga sugan tahay koonfurta.

Saraakiisha Kenya ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan magaalada xeebta ah ee Raas Kambooni iyagoo ku sii dhawaanaya magaalada Kismaanyo oo Saldhig muhiim ah u ah Xarakada Shaab.

XS
SM
MD
LG