Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Bohuku: Horey ayaanu u socon doonnaa


Bohuku: Horey ayaanu u socon doonnaa
Bohuku: Horey ayaanu u socon doonnaa

Afhayeenka AMISOM ayaa sheegay inay magaalooyinka kale gaari doonaan ee ka baxsan Soomaaliya.

Afhayeenka ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ee ka hawlgalaya Soomaaliya, Major Bridge Bohuku ayaa sheegay in ay la wareegeen fariisimo ay horey u joogeen kooxda al-Shabaab, wuxuuna sheegay inaysan ku ekaan doonin oo keliya magaalada Muqdisho, hase yeeshee ay sidoo kale tegi doonaan magaalooyinka kale ee ay kooxaha mucaaradku haystaan.

Afhayeenka AMISOM wuxuu sheegay in dhowaan ay fariimo kala wareegeen xoogagga mucaaradka oo ay al-Shabaab ka mid tahay, wuxuu kaloo sheegay inay horey u sii socon doonaan oo ay gaari doonaan magaalooyinka kale ee Soomaaliya ku yaalla ee kooxaha mucaaradku ay haystaan.

Bridge Bohuku ayaa ku eedeeyay kooxaha mucaaradku inay mas’uul ka yihiin khasaaraha dhimasho soo gaaraya dadka rayidka ah.

XS
SM
MD
LG