Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Beledweyne: RW. Gaas oo booqday


Beledweyne: RW. Gaas oo booqday
Beledweyne: RW. Gaas oo booqday

RW Soomaaliya ayaa oo ay la socdaan afar ka mid ah golihiisa wasiirada iyo taliyaha ciidamada ayaa manta booqday Magaalada Beledweyne

Wefdi uu hogaamiyo Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiwali Maxamed Cali, oo ay ka mid ahaayeen Afar Wasiir iyo taliyaha ciidamada Milatariga ayaa manta gaaray Magaalada Beledweyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Wefdiga dowladda ee uu Ra’isul Wasaare Cabdiwali Gaas hor kacayo ayaa kulamo la yeeshay odayaal dhaqameedyo iyo saraakiisha Ciidamada Ethiopia ee halkaa ku sugan iyo sidoo kale Maamulka dooxadda shabeele, sida uu Idaacadda VOA laanta Afka Soomaaliga u sheegay Afhayeenka Maamulka Dooxada Shabelle, Maxamed Nuur Cagajoof.

Wasiirka Gaashaandhigga ee Soomaaliya Xuseen Carab Ciise oo kamid ah Wefdiga ayaa u sheegay VOAda in ujeedada socdaalkooda ay tahay sidii maamulka magaalada ay ugu wareegin lahaayeen hogaan dadka degaanka ay leeyihiin.

Waxa uu sheegay in Qorshaha Ciidamada Dowladda Ethiopia ee halkaasi jooga aysan aheyn inay ku sii nagaadaan gudaha Soomaaliya oo ay u soo galeen caawimaadda dowladda ayna dib isaga noqon doonaan marka ugu horeysa ee la gaaro danaha ay u soo galeen.

Wefdiga Ra’isul wasaaraha ayaa la sheegay inaysan gudaha u galin magaalada oo ay kulamadooda ku dhameysteen Dhismaha Jaamacadda Gobolka Hiiraan.

Magaalada Beledweyne oo ay horey gacanta ugu heysay kooxda Alshabab ayaa 31kii bishii la soo dhaafay gacanta u gashay ciidamo Soomaali ah oo ay wehliyaan ciidamada Milatariga ee Dowladda Ethiopia.

XS
SM
MD
LG