Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Baydhabo: Shabaab oo Xiray Shaqaale ICRC


Baydhabo: Shabaab oo Xiray Shaqaale ICRC
Baydhabo: Shabaab oo Xiray Shaqaale ICRC

Shaqaalahaasi waxaa qabtay ciidamada Amniyaadka ee Shabaab ka tirsan, iyadoo aan la sheegin sababta xariggooda.

Kooxda al-Shabaab ee magaalada Baydhabo ayaa xirtay labo ka tirsan shaqaalaha hay'adda samafalka ee ee Laanqeyrta Cas ee ICRC.

Goobjooge ku sugan magaalada Baydhabo oo ka gaabsaday magaciisa ayaa VOA u sheegay in ciidamada amniyaadka loo yaqaan ee kooxda al-shabaab ay raggaasi xireen.

Wariyaha VOA-da ayaa sheegay in wararka qaar ee laga helayo gobolkaasi ay sheegayaan in raggaasi loo xiray ka dib markii lagu eedeeyay si xun u maamulid gargaar loogu talagalay dadka abaaruhu saameyeen ee gobolkaasi.

XS
SM
MD
LG