Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Bari: Raascaseyr State oo lagu Dhowaaqay


Bari: Raascaseyr State oo lagu Dhowaaqay
Bari: Raascaseyr State oo lagu Dhowaaqay

Faarax Dooxa Joog oo loo doortay madaxweynaha maamulkaasi ayaa ku andocooday in maamulka Puntland ay dayaceen deegaankaasi.

Maamul ka madaxbannaan Puntland ayaa xalay looga dhowaaqay gobolka Bari, kaasoo la baxay Raascasayr State of Puntland.

Maamulkaasi ayaa doortay madaxweyne, madaxweyne ku xigeen iyo gole wasiiro oo ka kooban afar xubnood.

Waxaa madaxweynaha maamulkaasi loo doortay Faarax Maxamuud Yuusuf (Dooxa joog) oo horey wasiir uga soo noqday maamul goboleedka Puntland, halka ku xigeenna loo doortay Barre Faarax.

Mr. Dooxa Joog ayaa VOA u sheegay in maamulkaasi uu ka kooban yahay labo gobol oo kala ah Gobolka Binna oo caasimaddiisu ay tahay Baargaal iyo gobolka Boolimoog oo caasimaddiisu ay tahay magaalada Caluula.

Dooxa Joog ayaa sheegay inaysan ka tirsaneyn maamulka Puntland, isagoo ku eedeeyay inay canshuurta ka qaataan deegaanadaasi, haddana dayaceen gobolka.

XS
SM
MD
LG