Xaaladda Magaalada Muqdisho ayaa saakay deggan, ka dib weerar is qarxin ah iyo dagaal daba socday shalay oo ay kooxda alshabab ku qaaday fariisin,ay ciidamada DKMG ah iyo kuwa Midoowga Africa ku leeyihiin agagaarka Jidka Warshadaha, gaar ahaan dhismaha dugsigii Farasmada ee Jarmalka.
Afhyaeenka Kooxda Alshabab Sheikh Cali Maxamuud Raage ayaa sheegay in ay weerarka ku dileen tobaneeyo ka tirsan ciidamada Amisom.
Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya Gen. Cabdikariin Yuusuf Aadan “Dhega-badan, ayaa sheegay in laba ka tirsan ciidamada Dowladda, iyo laba kale oo ka tirsan Askarta midowga Afrika ku dhaawacmeen dagaalkaasi iyo isqarxinta
Ma jiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya qasaaraha dhabata ah ee dagaalkaasi ka dhashay
Wareeysi aan la yeelanay Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya Gen. Cabdikariin Yuusuf Aadan “Dhega-badan, halkan hoose ka dhageeyso
- Telephone: (44) 2035193010
- Idaacadda Subaxnimo MP3
- Idaacadda Galabnimo MP3
- Idaacadda Fiidnimo MP3 Maqal iyo Muuqaal