Baraf labadii cisho ee u dambaysay ka da'ayey Gobolka ay Soomaalidu u badan tahay ee Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa sababay xayiraad isu socodka magaalada. Duulimaadyadii ayaa iyagana la hakiyey, iyadoo sidoo kale uu qeyb ahaan burburiyey garoonkii lagu ciyaari jiray Ciyaaraha Maraykanka ee loo yaqaan American Football.