Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Afar Maraykan ah oo Burcaddu Afduubatay


Afar Maraykan ah oo Burcaddu Afduubatay
Afar Maraykan ah oo Burcaddu Afduubatay

Burcad-badeedda Soomaalida ayaa afduub ku qabsaday dooni ay saaran yihiin afar qof oo Maraykanka ah.

Burcad-badeedda Soomaalida ayaa afduub ku qabsaday dooni ay saaran yihiin afar qof oo Maraykanka ah.

Saraakiisha la socota dhaq-dhaqaaqa burcad-badeedda ayaa sheegay in doonidan oo lagu magacaabo S/V Quest laga afduubtay badweynta Hindiya ee biyaha Somalia jimcihii shalay.

Website la socda oo diiwaangaliya socdaalka doonidan S/V Quest ayaa sheegay in doonidan ay leeyihiin Jean and Scot Adam oo ah lamaane Maraykan ah oo howlgab ah. Website-kan ayaa sheegay in lamaanahan ay baddaha caalamka ku safrayeen tan iyo bishii December ee 2004-tii, waxayna haatan ku jireen safar ay qorsheeyeen inuu qaadan doono 8 ilaa 1- sanadood.

Goor sii horeysay shalay oo jimce ahaydna, ciidamada badda ee Midowga Yurub ee la dagaallama burcad-badeedda ayaa sheegay in burcaddu ay qafduubtay dooni kaluumaysi oo Yemen laga leeyahay iyo 8 bad-maaxiin ah oo saarnaa oo marayay ganacka cadmeed.

XS
SM
MD
LG