Maxkamad ku taalla dalka Uganda ayaa 32 qof ku eedeeysay inay si rasmi ah ugu lug leeyihiin qaraxyadii 11-kii bishii hore laga geystay magaalada Kampala ee ay ku dhinteen 76 qof oo ciyaaro daawanayay.
Uganda ayaa sheegtay in 32-kaasi qof laga soo dhex saaray dhowr iyo todobaatan qof oo horey liiskoodu ay laamaha amniga ee dalka Uganda soo gudbiyeen.
Dadkan ayaa waxaa kujira dad u dhashay Kenya, Uganda iyadoo la sheegay inay ku jiraan labo qof oo Soomaali ah.
Wariyaha VOA-da ee magaalada Kampala Xasan Fanax ayaa sheegay in Maxkamadda la soo taagay raggan ay go’aamisay in baaritaanno dheeraad ah lagu sameeyo 32-kan qof.