Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Amuuraha Islaamka: Yurub iyo Niqaabka


Amuuraha Islaamka: Yurub iyo Niqaabka
Amuuraha Islaamka: Yurub iyo Niqaabka

Barnaamijka Amuuraha Islaamka, waxaan ku eegeynaa doodda ku saabsan niqaabka, ama indha-shareerka, oo wali cirka ku aloosan, dalalka France iyo Belgium

Barnaamijka Amuuraha Islaamka, waxaan toddobaadkan ku eegeynaa doodda
ku saabsan niqaabka, ama indha-shareerka, oo wali cirka ku aloosan,
dalalka France and Belgium, halkaas oo siyaasiyiinta qaar ay u arkaan
inuu niqaabku cabburis ku yahay dumarka Muslimiinta ah.
Bishii March ee aynu ka soo gudubnay ayaa guddi ka tirsan baarlamaank a
wadanka Belgium waxaa ay isku raaceen sharci wali qabyo ah oo ku saabsan
in la mamnuuco nooca xijaabka ah ee loo yaqaano niqaabka amaba indha
shareerka.
Tiro aad u yar oo ka mid ah haweenka muslimiinta ah ee wadanka Belgium
ayaa xidha niqaabka,waxaana ay wararku sheegayaan inaanay boqolba
gaadhin tirade haweenka muslimiinta ah ee xidha xaijaabka jiqda ah ee
indha shareerku.sharcigan la damacsan yahay in lagu soo rogo dalka
Belgium ayaa waxaa uu goobaha dadwaynaha ee dalkaasi ka mamnuucayaa
dadka aanay wajiyadoodu muuqanin.waxaana uu sharcigani dhigayaa in cidii
kasta ee sharcigaasi iska dhaga marisa in la ganaaxi doono lacag dhan
labaatan ilaa iyo afar iyo sodon dollar.mudanaha qaybta ugu wayn ku
lahaa soo diyaarinta hindisahan baarlamaanka hor yaalla oo la yidhaa
Daniel Bacquelaine ayaa sheeggay inuu sharcigaasi wax ka tari doono is
dhex galka dadwaynaha wadankaasi.
Mudanahu waxaa uu intaasi ku daray in ay arintani tahay oo kale mid
saamaynaysa dhinaca amaanka ah oo lagaga hor tagayo muslimiinta xag
jirka ah.mana aha buu yidhi mid lagu faquqayo haweenka muslinka ah ee
waxaaba lagu ilaalinayaa xuquuqdooda.
Wadanka Belgium ma aha dalka keliya ee ka dhawaajiyay in ay doonayaan
in aya mamnuucaan niqaabka amaba indha shareerka ee laakiin dalka
faransiiska ayaa iyagana damacoodu uu sidaasi yahay,madaxwaynaha
faransiiska nicolaz sarakozy ayaa amar ku bixiyay in la soo diyaariyo
hindise lagu mamnuucayo niqaabka,kaasoo uu sheeggay in bisha dambe ee
may la hor gayn doono baarlamaanka wadankaasi.waxaana dalka faransiiska
sida Belgium oo kale la doonayaa in mamnuuc laga dhigo in ay haweenka
muslimiinta ahi ay niqaabka ku xidhaan goobaha ay dadwaynahu isugu
yimaadaan iyo xarumaha dawlada ee laga bixiyo adeegyada dadwaynaha,sida
cusbitaalada iyo goobaha waxbarashada
Xidhashada niqaabka ayaa haattan waxaa ay tahay arin ay dood wayni ka
taaggan tahay guud ahaanba wadamada yurub,doodaasi oo ah mid xiitaa ka
dhex jirta dadka musliminta ah.sida uu sheegayo marco Martinielo oo
khabiir ku ah sharciyada dhinaca socdaalka ee wadanka Belgium Muslimiin
badan oo dalkaasi ku nool ayaa ka soo horjeedda in la mamnuuco niqaabka
Xiitaa muslimiinta diidan ee aan taageersanayn niqaabka amaba
burqada,,jawaabta ay ka bixiyeen waa mid diidmo ah oo ay sharcigan kaga
soo horjeedaan ,waxaana ay u arkaan in ay tahay faquuqid kale oo
muslimiinta lagu samaynayo
Dhinaca kalena sida uu sheegayo sheegaya marco Martinielo sharcigani ma
aha mid lama hurana ah oo aan laga maarmi Karin.waxaana uu sheegayaa in
ay tahay arin muujinaysa sida ay wadamada yurub ugu suurta geli la’dahay
in ay la macaamilaan muslimiinta aadka ugu soo badanaya wadamadoodda
Wadan kasta oo reer yurub ahi waxaa ay u muuqdaan in ay doonayaan in ay
si haboon isugu miisaamaan in ay dadka muslimiinta ah ay u ogolaadaan
fursado ay ku sameeyaan waxyaabaha ay qiimeeyaan iyo in ay isla markaasi
muslimiinta xag jirka ah ay albaab kale u furan
Haddii ay baarlamaanka wadanka Belgium ay meel mariyaan sharcigan wali
qabyada ah ee ay ka doodayaan waxaa uu ku dhaqan geli doonaa muddo
sdhawr bilood gudaheedda ah .dawlada faransiiskuna waxaa ay doonaysaa in
ay mamnuucida niqaabku ay dalkaasi ka dhaqan gasho bisha july.dalka
farsnsiiska ayaa waxaa ku nool muslimiin ay tiradoodu ka badan afar
million oo qof oo badankoodu ka soo haajiray wadamada ku yaalla Africa
dhinaceedda waqooyi.
Waxaana sanadahan dambe dalkaasi aad ugu sii
kordhayay dadka uu asalkoodu faransiiska yahay ee soo galaya diinta
islaamka,waxaana la sheegayaa in ay dadka faransiiska ah ee Muslimay ay
tiradoodu u dhaxayso konton ilaa iyo boqol kun oo qof.dalka Belgium ayaa
muslimiinta ku nooli waxaa ay ka badan yihiin nus malyuun qof
Wariyaha VOA-da ee Qaaradda Yurub, C/salam Hereri, ayaa warbixin
nooga diyaariyey arrintaas.

Bishii March ee aynu ka soo gudubnay ayaa guddi ka tirsan baarlamaanka wadanka Belgium waxaa ay isku raaceen sharci wali qabyo ah oo ku saabsan in la mamnuuco nooca xijaabka ah ee loo yaqaano niqaabka amaba indha shareerka.

Tiro aad u yar oo ka mid ah haweenka muslimiinta ah ee wadanka Belgium ayaa xidha niqaabka,waxaana ay wararku sheegayaan inaanay boqolba gaadhin tirade haweenka muslimiinta ah ee xidha xaijaabka jiqda ah ee indha shareerku.sharcigan la damacsan yahay in lagu soo rogo dalka Belgium ayaa waxaa uu goobaha dadwaynaha ee dalkaasi ka mamnuucayaa dadka aanay wajiyadoodu muuqanin.waxaana uu sharcigani dhigayaa in cidii kasta ee sharcigaasi iska dhaga marisa in la ganaaxi doono lacag dhan labaatan ilaa iyo afar iyo sodon dollar.mudanaha qaybta ugu wayn ku lahaa soo diyaarinta hindisahan baarlamaanka hor yaalla oo la yidhaa Daniel Bacquelaine ayaa sheeggay inuu sharcigaasi wax ka tari doono is dhex galka dadwaynaha wadankaasi.

Mudanahu waxaa uu intaasi ku daray in ay arintani tahay oo kale mid saamaynaysa dhinaca amaanka ah oo lagaga hor tagayo muslimiinta xag jirka ah.mana aha buu yidhi mid lagu faquqayo haweenka muslinka ah ee waxaaba lagu ilaalinayaa xuquuqdooda.

Wadanka Belgium ma aha dalka keliya ee ka dhawaajiyay in ay doonayaan in aya mamnuucaan niqaabka amaba indha shareerka ee laakiin dalka faransiiska ayaa iyagana damacoodu uu sidaasi yahay,madaxwaynaha faransiiska nicolaz sarakozy ayaa amar ku bixiyay in la soo diyaariyo hindise lagu mamnuucayo niqaabka,kaasoo uu sheeggay in bisha dambe ee may la hor gayn doono baarlamaanka wadankaasi.waxaana dalka faransiiska sida Belgium oo kale la doonayaa in mamnuuc laga dhigo in ay haweenka muslimiinta ahi ay niqaabka ku xidhaan goobaha ay dadwaynahu isugu yimaadaan iyo xarumaha dawlada ee laga bixiyo adeegyada dadwaynaha,sida cusbitaalada iyo goobaha waxbarashada

Xidhashada niqaabka ayaa haattan waxaa ay tahay arin ay dood wayni ka taaggan tahay guud ahaanba wadamada yurub,doodaasi oo ah mid xiitaa ka dhex jirta dadka musliminta ah.sida uu sheegayo marco Martinielo oo khabiir ku ah sharciyada dhinaca socdaalka ee wadanka Belgium Muslimiin badan oo dalkaasi ku nool ayaa ka soo horjeedda in la mamnuuco niqaabka

Xiitaa muslimiinta diidan ee aan taageersanayn niqaabka amaba burqada,,jawaabta ay ka bixiyeen waa mid diidmo ah oo ay sharcigan kaga soo horjeedaan ,waxaana ay u arkaan in ay tahay faquuqid kale oo muslimiinta lagu samaynayo

Dhinaca kalena sida uu sheegayo sheegaya marco Martinielo sharcigani ma aha mid lama hurana ah oo aan laga maarmi Karin.waxaana uu sheegayaa in ay tahay arin muujinaysa sida ay wadamada yurub ugu suurta geli la’dahay in ay la macaamilaan muslimiinta aadka ugu soo badanaya wadamadoodda

Wadan kasta oo reer yurub ahi waxaa ay u muuqdaan in ay doonayaan in ay si haboon isugu miisaamaan in ay dadka muslimiinta ah ay u ogolaadaan fursado ay ku sameeyaan waxyaabaha ay qiimeeyaan iyo in ay isla markaasi muslimiinta xag jirka ah ay albaab kale u furan

Haddii ay baarlamaanka wadanka Belgium ay meel mariyaan sharcigan wali qabyada ah ee ay ka doodayaan waxaa uu ku dhaqan geli doonaa muddo sdhawr bilood gudaheedda ah .dawlada faransiiskuna waxaa ay doonaysaa in ay mamnuucida niqaabku ay dalkaasi ka dhaqan gasho bisha july.dalka farsnsiiska ayaa waxaa ku nool muslimiin ay tiradoodu ka badan afar million oo qof oo badankoodu ka soo haajiray wadamada ku yaalla Africa dhinaceedda waqooyi.
Waxaana sanadahan dambe dalkaasi aad ugu sii kordhayay dadka uu asalkoodu faransiiska yahay ee soo galaya diinta islaamka,waxaana la sheegayaa in ay dadka faransiiska ah ee Muslimay ay tiradoodu u dhaxayso konton ilaa iyo boqol kun oo qof.dalka Belgium ayaa muslimiinta ku nooli waxaa ay ka badan yihiin nus malyuun qof

XS
SM
MD
LG