Waxaa ruqsad loo diiday xarun Islaami ah oo laga dhisi lahaa duleedka magaalada Chicago ee gobolka Illinois ee dalkan Maraykanka.
Dooddii ka taagneyd xarun Islaami ah oo laga dhisi lahaa magaalada New York ayaa tooshka ku ifisay in Maraykanka ay ka jirto dulqaad la'aan xagga diimaha ah.
Xaruntan laga dhisi lahaa duleedka Chicago ayaa lagu magacaabo xarunta waxbarashada ee Irshaad, waxaana iska leh muslimiinta Shiicada ah.