Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Amnesty: Ha la Xakameeyo Hubka Somalia


Amnesty International
Amnesty International

Amnesty International oo ku taliyay in hubka laga joojiyo DKMG ilaa inta laga damaanad qaadayo inaan hubkaasi loo isticmaali doonin xadgudbiyo ka dhan ah aadamaha.

Warbixin uu ururku soo saaray oo ah tii ugu dabaysay ee ay ka soo saareen dalka Somalia ayaa waxaa ay faahfaahin kaga bixiyeen shixnadaha hubka ah oo ay ku jiraan hoobiye iyo lacagta ay maraykanku siiyeen DKMG ee Somalia si ay markaasi hub ugu soo iibsato

Waxaana ay Amnesty International sheegeen in hubkaasi iyo lacagahaasi lagu wareejiyay dawlada ku meel gaadhka ah ee Somalia iyada oo ay jirto halista ah in hubka noocasi ah loo isticmaali karayo weeraro aan look al aabo yeelin oo ay gaystaan ciidamada dawlada ku meel gaadhka ahi,oo amaba loo weeciyo kooxaha hubaysan ee ka soo horjeedda dawlada ku meel gaadhjka ah ee Somalia oo iyaguna gaysta meel ka dhacayo ba’an oo baahsan

Sida ay sheegtay agaasime ku xigeenka ururka Amnesty International ugu qaybsan qaarada Africa Michele Kagari iyadoo uu jiro walaac caalami ah ee laga qabo mustaqbalka dawlada Somalia,ayaa waxaan jirin walaac sidaasi oo kale ah oo laga qabo xuquuqda aadamaha ee dadka rayidka ah

Amnesty International waxa ay warbixintan ku sheegeen in sanadkii dhamaaday ee 2009kii ay kumanaa qof oo rayid ahi ku dhinteen oo boqolaal kun oo kalena ay ku bara kaceen weeraro aan loo miidaan deyin oo aan kala sooc lahayn oo ay qaadayeen dhamaanba dhinacyadu.tirada dadka haatan ku bara kacsan gudaha dalka Somalia ayaa waxaa ay dhan tahay million iyo badh qof,dad ay tiradoodu dhan tahay sadex million iyo todoba boqol oo kun oo qifina waxaa ay ku tiirsan yihiibn gargaarka aadminimada ah.

XS
SM
MD
LG