Isku xirrada

War Deg-Deg ah

AMISOM oo Qiratay in Askar laga Dilay


AMISOM oo Qiratay in Askar laga Dilay
AMISOM oo Qiratay in Askar laga Dilay

Hawlgalka AMISOM ayaa qiray in askar ka tirsan ciidankooda lagu dilay weerar ay kooxda al-Shabaab ku soo qaaday fariisin ay joogeen.

Hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa qirtay in laba ka mid ah askartooda lagu dilay weerar ay shalay kooxda al-Shabaab ku qaaday fariisin ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho.

Afhayeen u hadlay ciidamada AMISOM Prosper Hakizimana ayaa VOA u sheegay in laba ka mid ah askartooda lagu dilay, afar kalena lagaga dhaawacay, ka dib markii ay is rasaaseeyeen koox ka tirsan al-Shabaab oo soo weerartay saldhig ay ku leeyihiin wadada Makka al-Mukarrama.

XS
SM
MD
LG