Isku xirrada

War Deg-Deg ah

AMISOM oo 17,000 la Gaarsiinayo


AMISOM oo 17,000 la Gaarsiinayo
AMISOM oo 17,000 la Gaarsiinayo

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa xalay ansixiyay qaraar ogolaanaya kordhinta tirada ciidmada AMISOM ee ka howlgala Somaliya, iyo xooginta Ciidamada DFKG ah ee Somalia.

15 xubnooid ee Golaha Amaanka ayaa cod buuxa ku ansixyay qaraarka kulan xalay ay ku yeesheen magaalada Newyork.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Somaliya Agustine Mahiga ayaa u sheegay madaxda xalay gebagagabii shirkii Garowe 2 in Golaha amaanka uu golaha amaanka uu Ogolaaday in tirada ciidamada midowga Africa ee Somaliya ka howlgala oo hadda tira ahaan loo ogolyahay 12,000 in la gaarsiiyo 17,700 oo askari .

Mr. Mahiga waxaa kaloo uu sheegay in isla qaraarkaasi uu goluhu u ansixiyay in la kordhiyo awoodda Ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya isla markaana la taageero.

XS
SM
MD
LG