Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Guurka Amiir William iyo Catherine


ԱՄՆ-ի արտգործնախարար Ջոն Քերիի այցը Մերձավոր Արևելք
ԱՄՆ-ի արտգործնախարար Ջոն Քերիի այցը Մերձավոր Արևելք

Magaalada London waxaa ka dhacay arooska Amiirka iska leh dhaxalka labaad ee boqortooyada ee Britain ee Prince William iyo aroosadda Katherine.

Magaalada London ee dalka Britain waxaa maanta ka dhacay arooska Amiirka iska leh dhaxalka labaad ee Britain Prince William iyo gabadha uu aroosay Catherine oo haatan kadib loogu yeedhi doona Amiirka iyo Amiiradda Cambridge.

William iyo Catherine ayaa meherkoodu ka dhacay Kaniisaddaasi xaflad aan hore loogu arag dalkaasi tan iyo sannadkii 1981-kii kadib markii is arooseen waalidkiisa Amiir Charles iyo Hooyadiis Daina.

Markii markii uu meherku dhacay waxaa isqabsaday sawaxanka iyo damaashaadka dadweynaha daawanayey ee waddooyinka iskugu soo baxay.

Arooska iyo aroosadda ayaa kadib raacey gaadhi-faras dusha ka furan oo ay ku tageen guriga boqoradda ee Buckingham Palace halkaasi oo ay qado ugu samaysay Boqoradda Waddaankaasi Queen Elizabeth II.

Lammaanaha da’da yar oo ay ka muuqatay muuso iyo xishood ayaa kolba midkood uu yidhi “Waan Aqbalay” meherka iyagoo hortaagnaa 1900 qof oo marti halkaasi ku ahaa.

Arooskan ayaa waxaa caalamka kala socda oo daawanayey 2 bilyan oo qof oo hor fadhiyey telefiishannada, internetka iyo aaladaha kale ee warbaahinta.

Boqollaal kun oo qof ayaa dalkaasi Britain ku sugan waddooyinka iyo seerayaasha waaweyn ee London si ay shaashadaha uga daawadaan arooska.

XS
SM
MD
LG