Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Amanda oo bixinaysa deeq waxbarasho


Amanda oo bixinaysa deeq waxbarasho
Amanda oo bixinaysa deeq waxbarasho

Amanda Lindhout oo ah saxafiyad u dhalatay Canada muddo 15 biloodna afduub ahaan loogu haystay Somalia ayaa sheegtay inay bilaabayso barnaamij deeq waxbarasho ah oo haweenka Soomaalida loogu talagalay.

Wareysi qaas ah oo ay siisay Laanta Af-Soomaaliga ee idaacadda VOA ayay Amanda ku sheegtay in barnaamijkan deeqda waxbarasho ay iskaashi kala samayn doonto hay'addo Soomaali ah.

Amanda ugu horeyn iyadoo ka hadlaysay barnaamijkan deeqda waxbarasho waxay tiri. "Ujeeddadeenu waxa weeye in 100 haween da’yar oo Soomaali ah laga diiwaangeliyo jaamacaddo muddo afar sano ah oo soo socota, iyadoo lagu bilaabyo toban dumar ah oo jaamacad bilaabaya bishan Septembar ee soo socota. Aniga ayaa madax ka aha barnaamijkaasi waxaanse iskaahsi kala sameeyey akadamiyada nabadda iyo horumarka ee Hragaysa iyo Xarunta Waxbarshada Gaalkacyo ee Nabadda iyo Horumarka Gaalakacayo oo ay Xaawo Aadan maamausho, iyo macaahiddo kale oo waxbarasho oo codsaday inaan magacooda la sheegin, dhanka Canadana waxaan iskaahsi la sameeyey Golaha Soomaalida Canada ee Toronto."

Amanda Lindhout waxay xustay in barnaamijkan waxbarasho uu haweenka gacan ka siin karo dhisitaanka bulsho xooggan oo nabadda kobcin karta.

Amanda mar ay ka jawaabaysay goorta uu fikirkani ku dhashay waxay tiri "Fikraddani waxay ugu horrayn igu dhalitay intii Soomaliya la igu haystay, fikraddo badan ayaa igu soo dhacayey oo ahaa sidii aan u abuuri karo barnaamij isbeddel waara ka dhaliya Soomaaliya, tusaale ahaan cuntada gargaarka ee Soomaliya la siiyo waa gargaar waana loo baahan yahay laakiin xal muddo dheer ah uma noqonayso Soomaliya, laakiin waxaan waxbarashada u arkaa tan la wadi karo ee waari karta ee Soomaaliyana wax ka tari karta, gaar ahaanna waxana dareemayaa in xil iga saaran yahay kaalmaynta haweenka da’da yare e Soomaliya sidii ay waxbarasho u hanan lahaayeen."

Amanda Lindhout, waxay ka hadashay dhaqaalaha ku baxaya deeqdan waxbarasho ee ay ugu talagashay haweenka Soomaalida, waxayna iyadoo arrintaasi ka hadlaysa tiri " Deeq kasta oo waxbarasho waxay lacag ahaan noqonaysaa 1000 (kun) doollar sannadkii; baahi kasta oo qofka waxbaranaya waan daboolaynaa, waxaan doonaynaa in haweenkan da’da yar ay helaan gunno yar oo ay bishiiba ay ku noolaadaan, waxaana doonaynaa inay ku jiraan maraxaladdan xasiilloon oo ay ku qanacsan yihiin oo ah in si fiican loo quudiyo, looguna labbiso, si ay diiradda u saarana waxbarshadooda keliya."

Amanda iyadoo ka hadlaysa qaabka ay haweenka Soomaalidu uga qeybgali karaan deeqdan waxbarasho waxay tiri "Waxaan ku dhiirigelinaynaa haweenkan da’da yar ee danaynaya deeqdan waxbarasho inay tagaan jaamacadda Camuud ee Boorama, Jaamacadda Burco, iyo Jaamacadda Nugaal ee Laas Caanood. Jaamacaddahan ayaa haya araajida, qofka dumarka ah ee codsanaya deeqdan waxbarsasho waa inuu soo qoraa maqaal ama qormo uu ku sheegayo waxa uu ku taamayo marka la eego Soomaaliya iyo sida ay ugu qorshaysan tahay in waxbarashadan ay ugu adeegsan karaan isbeddel wanaagsna oo ay bulshadooda ka dhex dhalin karaa."

Saxafiyadda Amanda Lindhuat waxaa laga afduubay duleedka magaalada Muqdishu 23-kii bishii August 2008, waxaan lala afduubay sawir–qaade u dhashay dalka Australiya oo lagu magacabao Nigel Brenan. Labadooda waxaa la sii daayey 15 bilood iyo badh markii la afduubay bishii Decembar ee 2009.

Waraysigan ay siisay laanta Af-Soomaaliga ee idaacadda VOA ayaa ah kii saddexaad ee ay bixiso, islamarkaana ah kii ugu horreeyay ee ay siiso saxaafad ka baxsan dalka Canada, Amanda Waxay diiday inay ka hadasho faahfaahinta afduubkeedii iyo nolosheedii intii ay afduubka ku jirtay.

Qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso wareysiga Amanda Lindhaut.

XS
SM
MD
LG