Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Afgooye oo Booliska iyo Nabadsugidda Lagu Wareejiyay


Amaanka Degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose ayaa lagu wareejiyay ciidamda Booliska iyo kuwa Nabadsugudda. Sarkaal ka tirsan ciidamada ayaa VOA-da u sheegay in ay wadaan howlgal ay ku bar tilmaameesanayaan shaqsiyaadka ka tirsan ururka al-Shabab.

C/kariin Yuusuf Dhegabadan, abaanduulaha xoogga dalka Soomaaliyeed ee dowladda ku meel gaarka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in iyagoo kaashanaya shaqiyaad hore uga tirsanaan jiray ururka al-Shabab ay soo qab qabteen dad badan oo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin al-Shabab. Hase ahaatee waxa uu iska fogeeyey inay ciidadma booliska iyo kuwa nabadsigiddu ay sidoo kale soo qab qabteen shaqiyaad la sheegay inay yihiin beeralay ka tirsan degaanka iyo kuwa aan ku lug lahayn al-Shabab.

Wareysiga oo dhameystiran ka dhageyso qaybta hoose.

XS
SM
MD
LG