Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hoggaamiyaha Shabab oo Lagu Daray Liiska Argagixisada


Dawladda Maraykanka ayaa goor dhowayd liiska argagxisada ku dartay hoggaamiyaha Al-Shabab Sheekh Axmed Diiriye oo sidoo kale loo yaqaan Abu Ubaidah iyo ninka la aamisan yahay inuu ku xigeenka u yahay ee Mahad Karate.

Sharacigani waxa uu xayirayaaa dhammaan hantida labadaasi qof.

Maraykanka waxay sheegeen in Axmed Diiriye uu hoggaamiye u noqday Al-Shabab kadib makrii uu dhintay hoggaamiyihii hore Axmed Cabdi Godane bishii Sebtember ee sannadkii hore.

Waxaa kale oo Maraykanku sheegeen in Mahad Kare oo sidoo kale loo yaqaan Cabdiraxiim Maxamed Warsame uu jagooyin muhiim ah kasoo qabtay qaybta amniyaadka ee Al-Shabab ee mas’uulka ka ahaa weerarkii lagu qaaday Jaamacadda Gaarisa iyo weerrada ismiidaaminta iyo dilalkka khaarajiska ah ee Soomaaliya iy Kenya ka gaysato Al-Shabab.

Sannadkii 2008 ayaa Maraykanku ay Al-Shabab u aqoonsadeen inuu yahay urur argagxiso ah.

XS
SM
MD
LG