Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Weerarrada ka Dhanka ah Al-Shabab oo Kordhay


Al Shabab
Al Shabab

Ilaa afar weerar oo kala duwan ayaa lasoo sheegay inay dhaceen 48-kii saac ee lasoo dhaafay kuwaasi oo iskugu jira hawlgallada cirka iyo dhulka.

Dawladda Maraykanka ayaa xaqiijisay in diyaaradaheega aan duuliyaha wadin ay bartilmaameedsadeen isla markaana ay haarajiyeen sarkaal sare oo ka tirsan ururka Al-Shabab meel u dhow magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay sarkaalkaasi lagu magacaabo Xasan Cali Dhoorre oo ka tirsanaa Amniyaatka Al-Shabab.

Weerarkan ayaa dhacay habeenkii Khamistii, waxaana sidoo kale isla weerarkaasi ku dhintay laba qof oo la socotay. Maraykanku waxa uu sheegay in Xasan Cali Dhoore uu lug toos ah ku lahaa dilka saddex muwaadin oo Maraykan ah oo lagu dilay weerarro ka dhacay Muqdishu.

Sidoo kale weerar labaad oo loo adeegsaday duqayn dhinaca cirka ah ayaa shalay ka dhacday meel u dhow magaalada Jannaale, xilli dagaalo fool-ka-fool ahna ay dhexmarayeen ciidamada AMISOM iyo maleeshiyada Al-Shabab. Warar aanu ka helnay dadka degaanka ayaa sheegaya in duqayntaasi lala beegsaday baabuur ay saarnaayeen afar xubnood oo ka tirsan ururka Al-Shabab oo uu ku jiro madaxii ururka ugu qaabilsanaa magaalada Jannaale. Ilaa hadda ma cadda waddanka gaystay duqayntaasi oo dhacday saacadihii hore ee Jimcihii shalay.

Hawlgalka AMISOM ee Soomaaliya oo ka hadlay weerarrada ka dhacay agagaarka Jannaale ayaa sheegay in hawlgal cirka iyo dhulka ah oo wadajir ah oo ay qaadeen ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaalida lagu dilay sarkaal ka tirsan Al-Shabab oo laga yaqaanay Gobolka Shabellada Hoose gaar ahaan agagaarka Jannaale.

War saxaafadeed kasoo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in hawlgalkan oo laga fuliyey agagaarka Jannaale lagu dilay sarkaal lagu magacaabo Cabdirashid Buqdube oo ay la socdeen 22 kale oo ka tirsanaa Al-Shabab la dilay kadib markii duqeyn cirka iyo howlgal dhulka ah laga fuliyey goobaha ay ay ku sugnaayeen ee ku teedsan wadada isku xirta Buufow iyo Jannaale, sida lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay AMISOM.

Ciidamada AMISOM waxaa ay dhiaca kale iska horimaad la galeen maleeshiyada ururka Al-Shabab meel u dhow magaalada Jannaale xilli ay jidadka ka bixinayeen miinooyin la aasay.

Warar iyaguna maanta naga soo gaadhay Gobolka Jubada Hoose waxay sheegayaan in duqayn ay xalay ka dhacday meel dhinaca galbeedka uga toosan magaalada Kismaayo oo lagu magacaabo Cabdi Dhoore.

Wararka hordhaca ah ee laga helay degaanka ayaa sheegayey in lix ka tirsan ururka Al-Shabab lagu dilay weerarkaasi oo ciidamada ka qaybgalay la sheegay inay ahaayeen Soomaali iyo ajaanib ayna adeegsadeen ciidamo dhulka ah iyo awoodda cirka labadaba.

Ciidankan ayaa weerar saldhig ay maleeshiyada Al-Shabab ku ururiyaan canshuuraha iyo zakooyinka. Warar goor dhowayd naga soo gaadhay degaanka ayaa sheegaya in khasaaraha dhimashada soo gaadhay Al-Shabab uu intaasi ka badan yahay oo uu gaadhayo ilaa 21 dhimasho ah. Dadka dhintay waxaa ku jira Ismaaciil Baranwaa oo ahaa Taliyaha maleeshiyada sida booliiska u tababaran ee Al-Shabab ugu qaabilsanaa degaankaas.

Dadka degaanku waxay sheegeen in maleeshiyada Al-Shabab ee la dilay ay iskugu jiraan kuwo ku dhintay gantaalka iyo kuwo ay ciidamadu lugta ku socday ay toogteen markii ay galeen tuulada.

XS
SM
MD
LG