Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabaab oo Dhuusamareeb qabsatay


Al-Shabaab oo Dhuusamareeb qabsatay
Al-Shabaab oo Dhuusamareeb qabsatay

Kooxda Al-Shabaab ayaa la wareegtay magaalada Dhuusamareeb kadib markii ay saaka dagaal laba jiho ah ku qaadeen

maleeshiyooyin hubeysan oo daacad u ah ururka Al-Shabaab ayaa saaka aroornimadii laba jiho ka weeraray magaalada caasimada u ah gobolka Galgaduud ee Dhuusamareeb, waxayna dagaal ka dib la wareegeen gacan ku haynta Dhuusamareeb.

Wararka ka imanaya magaaladaasi ayaa sheegaya in ciidamadii Ahlu-sunnah Wal-jamaaca ee ku sugnaa magaaladaasi ay u kala firxadeen dhanka deegaanka Xeraale oo dhinaca koonfureed ah iyo magaalada Cadaado oo dhinaca waqooyi ah. Xaallada magaalada ayaa degan, inkastoo ay jirto cabsi soo wajahday dadkii magaaladaasi daganaa.

Al-Shabaab ayaa bilowgii sanadkii hore xoog looga saaray magaalada Dhuusamareeb iyo deegaanada ku xeeran, xilligaasi oo dagaallo qaraar ay halkaasi ku dhexmareen maleeshiyaadka ururka Ahlu-Sunnah oo gacan ka helayay dadka deegaanka.

Wararka ugu danbeeyey ayaa sheegaya in gabi ahaan isgaarsiinta Dhuusamareeb ay haatan go'an tahay. Sidoo kale lama oga khasaaraha rasmiga ah ee dagaalka maaanta uu dhaliyay.

XS
SM
MD
LG