Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Abaalmarin la Siinayo Qofkii al-Shabab soo Dila ama soo Qabta


Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay abaalmarin dhan 500 doollarka Maraykanka ah siinayso cidii soo qabata ama soo disha dadka lagu tuhunsan yahay argagixisada.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Gudodomiyaha Gobolka Banaadir uu soo bandhigay qorshe lagula dagaalamayo argagixisada oo diiradda saaraya hoggaamiyayaasha argagixisada iyo kuwa maalgeliya.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Nuur Tarzan ayaa sheegay in Al-Qacida ay soo waajahday dib u dhacyo badan oo dhinaca dagaalka ah.

Waxa uu sheegay in qorshahan uu ka mid yahay mid dhaqaale oo abaalmarin lagu bixinayo, isagoo sheegay in $500 la saaray madaxa qof kasta oo argagxiso ah oo la dilo ama la qabto.

Arrintan ayaaa ka danbeysay markii dhowaan ay dawladdu sheegtay in Goblka Bakool ay isa soo dhiibeen in ka badan 15 qof oo la sheegya inay ka tirsanaayeen ururka Al-Shabab.

XS
SM
MD
LG