Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xabbad-joojinta Gaza oo laga baqayo in ay burburto


Burburka Gaza
Burburka Gaza

Wasiirka Gaashaandhigga Israa’iil ayaa Arbacadii wacad ku maray in caddaab daran oodda laga qaadi doono haddii Xamaas ay ku guul-darraysato sii-deynta la-haystayaasha dhammaadka toddobaadkan.

Tani ayaa ah hanjabaaddii ugu dambeysay ee ka dhan ah Xamaas oo kasoo baxda Israa’iil, xilli dhexdhexaadiyeyaasha ay ku dadaalayaan sidii ay u badbaadin lahaayeen heshiiska 42-ka maalmood ah ee ay kala dhex dhigeen Israa’iil iyo Xamaas.

Muranka cusub ee halista ku noqday heshiiska xabbad-joojinta labada dhinac ayaa soo shaac baxay, kaddib markii ay Xamaas ku eedeysay Israa’iil in ay jebisay qaar ka mid ah ballanqaadyadii ay sameysay, oo ay ku jiraan in teendhooyin la gaarsiiyo barakacayaasha Gaza, in gargaarka lasoo geliyo, iyo arrimo kale.

Xamaas waxay sheegtay in ay dib u dhigeyso sii-deynta la-haystayaasha la filayay in Israa’iil loo gacan geliyo Sabtida soo socota.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Isniintii ka digay in haddii aan la soo deynin la-haystayaasha Israa’iil ee lagu hayo Gaza duhurnimada Sabtida soo socota, uu soo jeedinayo in la baabi’iyo heshiiska xabbad-joojinta ee Israa’iil iyo Xamaas.

Waxaa isna hadalkaasi la mid ah ka dhawaajiyay Talaadadii, ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu.

Maxamuud Merdawi oo ah sarkaal ka tirsan Xamaas ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press in ay jiraan "calaamado wanaagsan" oo ah in saddexda qof ee ka mid ah la-haystayaasha la qorsheeyay in Sabtida la sii daayo ay sii-deyntoodu dhici doonto, balse wuxuu tilmaamay in kooxda aysan weli helin ballanqaadkii Israa’iil ee ahaa in ay u hoggaansanto heshiiska.

Madal

XS
SM
MD
LG