Hay’adaha xuquuqul insaanka ayaa ka hor yimid amarka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee ah in muhaajiriinta aan sharciga haysan lagu xiro xarunta howlgalka muhaajiriinta ee ku taala saldhigga ciidamada badda Mareykanka ee Guantanamo Bay ee dalka Cuba.
In kasta oo maamuladii hore ay sidoo kale muhaajiriinta ugu hayeen Guantanamo, ayay kooxahan ku doodayaan in waxa Trump uu sameynayo ay taasi ka duwan tahay.
Madaxa Xafiiska Aqalka Cad Patsy Widakuswara ayaa warbixintan noo diyaarisay. Caasha Ibraahim Aaden ayaa noo haysa.
Madal