Isku xirrada

War Deg-Deg ah

G. Amniga ee QM oo maanta u kulmaya codsi ka yimid Ruushka


UNSC
UNSC

Golaha Ammaanka ee QM ayaa Jimcaha maanta ah yeelanaya kulan degdeg ah oo uu codsaday dalka Ruushku, kulankaas oo lagaga hadlayo hub bayooloji oo la sheegay in lagu sanceeyey dalka Ukraine. Dalka Ruushka ayaa codsigan keenay ka dib markii su’aal laga keenay adeegsigiisa hubka kiimakada, xilli kal-fadhi laga lahaa arrinta dalka Suuriya.

Ruushka ayaa khamiistii ku eedeeyey Maraykanka inuu maalgaliyo cilmi-baaris ku saabsan horumarinta hubaka bayoolijiga, dalka Ukraine, dalkaas oo weerar daran kala kulmaya kumanaan ciidanka Ruushka ah, laga soo bilaabo 24kii bishii hore ee February.

Maraykanka iyo Ukraine aya labaduba diiday sheegashada Ruushka, iyada oo Maraykanku uu sheegay in arrintani ay calaamad u tahay in Moscow ay, iyada nafteedu, dhawaan isticmaali karto hubkan.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy ayaa video uu soo duubay Khamiistii ku diiday sheegashada Ruushka, isaga oo yiri, “Qofna Ukraine kuma sameynayo hub kiimiko ama mid kale oo wax gumaada.”

Dalalka reer galbeedka ayaa Ruushka ku sheegay inuu adeegsanayo hab marin habaabin ah, isaga oo mucaaradkiisha iyo Maraykankaba ku eedaynaya inay sameysanayaan hub bayooliji iyo mid kiimikaad si uu waddada ugu sii xaarto inuu hubkaas u adeegsado dagaalka Ukraine-arrin Moscow lagu eedeeyey inay ka sameysay dagaalka Suuriya ka socda.

XS
SM
MD
LG