Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: Sarkaal Soomaali ah oo ku sugan Kabul


Dr Hussein
Dr Hussein

Magaalada Kaabul ee Caasimada Dalka Afghanistan ayaa waxaa ku hareereysan ciidamada Taalibaan, waxana laga dareemayaa cabsi weyn.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani ayaa dalka isaga tegay, isaga oo ku biiray muwaadiniin iyo ajaaniib ka cararaya dalka, xilli Taliban ay isku diyaarineyso inay qabsato magaalada caasimadda ah ee Kabul.

Sidoo kale, wada-xaajoodayaal ka socda Taliban ayaa ku sugan Kabul ayaga oo ka xaajoonaya xukun la-wareegista, sida uu sheegay sarkaal codsaday inaan la magacaabin. Ma cadda xilliga ay xukunka la wareegi doonaan.

Weriyaha VOA ee qaarada Australia iyo Koonfurta Asia, Ibraahim Cumar Baafo uu ku wareystay Dr. Xuseen Yoonis oo ka tirsan Hay’addda QM, qeybteeda gargaarka, kuna sugan Kabul.

Wareysi: Sarkaal Soomaali ah oo ku sugan Kabul
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:58 0:00


XS
SM
MD
LG