Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Waa maxay ujeedka safarka Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ee Muqdisho?


Kenya Somalia
Kenya Somalia

Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Raychelle Omamo ayaa saaka soo gaartay magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen xubno ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, kuwaas oo uu hoggaaminayay wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Cabdirisaaq.

Ilo wareedyo ayaa VOA u xaqiijiyay in socdaalka Raychelle Omamo uu ku saabsanyahay wadahadal la xiriira sidii dowladda Soomaaliya ay xayiraadda uga qaadi laheyd Jaadka Kenya.

Wasiiradda ayaa lagu wadaa inay kulan la qaadato Ra'isul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble, waxaana sida uu ku soo warramayo wariyaha VOA ee magaalada Muqdisho Cabdulqaadir Cabdulle Wasiiradda Omamo ayaa Rooble u keentay casuumaad rasmi ah oo uu ku tagayo Kenya.

Ma cadda in Soomaaliya ay gali doonto heshiis lagu qaadayo xayiraadda saaran Jaadka Kenya, iyadoo ganacsatada Jaadka ee labada dal ay cadaadis xoog leh ku hayaan masuuliyiinta Kenya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay wareegto uu saaray hay'adaha dowladda uga joojiyay inay galaan heshiisyo iyo is-afgarad la xiriira siyaasadda, ganacsiga iyo amniga inta lagu jiro xilliga doorashada.

Wixii war ah ee ku soo kordha halkan ayaad kala socon doontaan.

XS
SM
MD
LG