Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Tunisia: Sarkaal sare oo ka tirsan Ennahda oo Xabsi Guri la Geliyay


Wasaarada arimaha gudaha dalka Tunisia ayaa xabsi guri galisay mas'uul sare oo ka tirsan kooxda qunyar socodka islaamiyiinta ah ee xisbiga Ennahda, kaasi oo ka soo hor jeeda guddo galkii madaxweynaha ee qaybaha dowlada, sida uu maanta sheegay mid ka mid ah dadka ugu dhaw dhaw.

Anour Maarouf ayaa ah xubinta ugu muhiimsan xisbiga ee la beegsaday tan iyo markii madaxweyne Kais Saciid uu meesha ka saaray raysal wasaarihii sidoo kalena uu shaqada ka joojiyay baarlamaankii bishii July 25-keedii, talaabadaasi oo xisbiga Ennahda ay ku tilmaameen afgambi.

Maarouf ayaa intii u dhaxaysay sanadihii 2016 ilaa 2020 ahaa wasiirka isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada, qaybtan dawladda oo uu madaxweyne Saciid tilmaamay in xisbiyadu ay isku dayeen in ay ka faa’idaystaan.

Sida uu Reuters u sheegay mas'uul ka tirsan Ennahda oo codsaday inaan magaciisa la sheegin, Maarouf ayaa mas'uul ka tirsan maamulku uu ku wargaliyay inuu xabsi guri ku jiro.

Wasaarada arimaha gudaha ayaan arintan ka hadal.

XS
SM
MD
LG